Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsPakistan oo Xirtay ku Dhawaad 1,000 Ruux oo Kamid ah Taageerayaasha Cimran-Khan.

Pakistan oo Xirtay ku Dhawaad 1,000 Ruux oo Kamid ah Taageerayaasha Cimran-Khan.

Dad gaaraya 954 ruux oo kamid ah taageerayaasha ra’iisulwasaarihii hor ee dalka Basiktaan Cimraan Khaan, ayey shalay ciidamada xukuumadda Bakistaan ka qaqabteen magaalada Islaama-Baad ee caasimadda ah u ah wadankaasi.

Sababaha dadkan Dowladda Bakistaan uxirtay ayaa lagu sheegay iney ku howlanaayeen, falal rabshado ah oo ka dhaca caasimadda dalkaasi.

Kahor inta aan lasoo qaqaban dadkan, waxaa ciidamada amniga bakistaan weerar ku qaadeen taageerayaasha Cimraan Khaan iyagoo ka dilay 20 ruux, kana dhaawacay tobanaan kale, xilli ay ku howlanaayeen iney rabashado ka geystaan magaaalada Islaama-baad, islamarkaana weeraraan ciidamada Booliska iyo kuwa amniga, waa sidaa uu sheegay mas’uulka xukuumadda Bakistaan ee magaaladaasi.

Waayihii dambe waxaa gudaha dalka Bakistaan ka taagnaa rabshado u uku lugleeyahay xisbiga Cimraan Khaan, waxaana dhinaca kale wadanka ka socda dagaallo udhaxeeya kooxo kala duwan iyo xukuumadda Islaama-Baad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.