Ardaydaan oo si gaar ah u dhigta Kulliyadda Caafimaadka ayaa wax ay tilmaameen, in Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka ay lacago xad dhaaf ah kusoo rogtay ardeyda.
Isku soo bax ay ka dhigeen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ardaydu ku sheegeen, in aysan aqbali doonin musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta ay wado wasaaradda.
Lacagta ay wasaradda kusoo rogtay ardeyda ayaa gaareysa 1200 (Kun iyo Laba Boqol) oo Doollar, waxaana ay sheegeen in aysan awoodin islamarkaana ay doonayaan xaqooda.
Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay horay ardeyda u ballan qaaday iney bixin doonto tababar caafimaad oo lacag la’aan ah, balse goor dambe ardayda farriimo looga soo diray lambar dibadda ah oo loogu sheegayo iney bixiyaan lacagta laga doonayo.