Munaasabad ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa qaar kamid ah beelahha halkaas dega waxay Wilaayada Islaamiga ku wareejiyeen xoolo, ay ugu talogaleen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee jooga furimaha hore ee dagaalka.
Xoolaha la wareejiyay ayaa isuga jira 10 neef oo geel ah oo ay dhiibtay beeshha Geelidle, iyo 65 neef oo ari ah oo ay si wadajir ah u dhiibeen beelaha kala ah Tunni, Jilible, Xariin, Garjin, Murule iyo Heledo. Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha qabaa’ilka bixiyay ariga, waxayna sheegeen sababta ku riixday iney bixiyaan xoolahan.