Koox qabaa’il oo awood ku leh galbeedka Liibiya ayaa shaaca ka qaaday, inay si buuxda u uga soo hor-jeedaan dhammaan noocyada joogitaanka shisheeye ee dalkooda, iyagoo ku baaqay bannaanbax ballaaran oo 30-ka bishan Juun ka dhaca afaafka hore ee xarunta howlgalka waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ee dalka Liibiya.
Biilahan oo ku midaysan magaca “Golaha Bulshada ee Galbeedka Liibiya”, kaas oo ah kayyaan qabali ah oo aan rasmi ahayn oo ay doorteen hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka ee Liibiya, ayaa waxa ay soo saareen bayaan ku qornaa lahjad kulul, waxayna ku dhawaaqeen xaalad heegan iyo abaabul guud oo lagu eryayo howlgalka Qaramada Midoobay iyo diidmada saldhigyada shisheeye ee Liibiya.
Waxay intaasi ku dareen, in dhammaan xulashooyinka iyo tallaabooyinka ay qaadayaan ay miiska saaran yihiin, oo ay ku jiraan ku dhawaaqida Jihaad, waa sida ay ku sheegeen war-murtiyeedka ay soo saareen oo lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku wada-xiriirto.
Qabaa’ilkan reer Liibiya, ayaa bayaankooda ku caddeeyay, in faragelinta shisheeye ee Liibiya ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, isla markaana howlgalka waxa loogu yeero Qaramada Midoobay uu ku guuldareystay inuu gaaro wax horumar ah oo la taaban karo oo laga gaaray jidka siyaasadda, iyagoo carrabka ku adkeeyay, baahida loo qabo in dib loogu laabto hannaanka ah in reer Liibiya ay iga aayahooda ka tashdaan aysana cidkale u daba fariisanin amaba aysan wax u meerinin.
Jawaabta ciidamada shisheeya ee duulaanka ku jooga waddan Muslimka ah ee Liibiya ayaa si degdeg ah u timid, iyadoo Xafiiska waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ee taageerada Liibiya ee loo soo gaabiyo (UNSMIL) uu soo saaray bayaan rasmi ah oo uu ku sheegay, inay aad uga xun yihiin waxa ay ku tilmaameen hadalada xanafta leh ee ay soo saareen qaar ka mid ah dadka siyaasiyiin ee ku dhiirigeliyay mudaaharaadayaasha inay ku dhaqaaqaan falal lagu weeraraya xarumahooda.
Talaadadii la soo dhaafay, dibad-baxyo caro leh ayaa ka dhacay agagaarka xarunta howlgalka Qaramada Midoobay ee Tiriboli, kuwaas oo isku bedelay weerar lagu qaaday albaabka dibadda ee xaruntaas, taas oo cabsi xooggan ku abuurtay shisheeyaha ku sugan dalkaas.
Dalka Liibiya ayaa dhawaanahan danbe wajahay fatqalatooyin siyaasadeed oo ay sabab u yihiin shishiiyaha caddaanka iyo madowga isugu jira ee xasiloonida u diidan dhamaan waddamada Islaamka.