Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsQaramada Midoobay oo Sheegtay in Kumanaan Meydad ah Laga Helay Dalka Kongo.

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Kumanaan Meydad ah Laga Helay Dalka Kongo.


Ku Xigeenka madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee magaalada Goma oo muuqaalka fogaan araga ah kula hadleysay warbaahinta ayaa shalay sheegtay, in ay kooxda M-23 ka caawiyeen soo uruurinta meydadka yaalla wadooyinka, kuwaasoo lagu dilay dagaalladii dhacay Bariga Congo, gaar ahaan magaalada Goma ee katirsan Kivu ee hodonka ku ah macdanta.

Waxay sheegtay in illaa iyo hadda la helay meydadka 2,000, halka 900 ay ku jiraan firinjeerada isbitaallada sida ay hadalka udhigtay.

Dagaallada sidan dadka badan loogu xasuuqay ayaa markii hore ka billowday hareeraha magaalada Goma, waxayna xukuumadda Congo mar waliba ku eedeysaa Rwanda iney taageero la garab taagan tahay malleeshiyadan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada Goma waxaa xilligan gacanta ku haya fallaagada M-23, oo horay dagaal ugala wareegay ciidamada Congo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.