Tuesday, May 13, 2025
HomeAll NewsQaramada Midoobey oo Wali Dhaqaale u Raadineysa Duullaanka Shisheeye ee AUSSOM.

Qaramada Midoobey oo Wali Dhaqaale u Raadineysa Duullaanka Shisheeye ee AUSSOM.

Kulan ay shalay yeesheen waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kusoo dhamaaday kala qeyb sanaan ka dhalatay in la isku waaqfaqo maalgelin wadareed oo loo helo dullaankaan, iyadoo wali la baadi goobayo dhaqaalihii lagu maalgelin lahaa ciidamada Shisheeye ee dulLaanka ku jooga Soomaaliya.

Marar badan ayaa lagu celiyay dowladaha qeybta ah Qaramada Midoobay iney taageeraan duulaankan, mana muuqato illaa iyo hadda wax aan ka ahayn iney sii fogaaneyso rejada laga qabto in la helo dhaqaalihii lagu maalgelin lahaa duulaankan.

Mareykanka oo diidan maalgelinta dullaanka ayaa wali taagan mowqifkiisa, waxayna gaartay in hab tabarrucaad ah lacag loogu raadiyo dulaankaan, sida lagu sheegay war kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Kulankii ay shalay yeesheegn waxa lagu magacaabo Golaha Ammaanka ee Qaramada Middoobay, ayaa waxaa kasoo baxay in loo raadiyo duullaankaan $41.6 Milyan Doollar, si dhaqaale uu ku socdo uhelo duullaanka.

Waxaa jirta dhawr arrimood oo ay isku mar la’yihiin dowladaha dhaqaalaha laga doonayo marka laga hadlayo duulaankan, waxaana ugu horreeya inaaney heli karin maalgelin joogto ah, taasoo noqotay caqabadda koobaad ee fadhiid ka dhigtay duullaankaan sababna unoqotay in illaa iyo maanta la raadiyo lacagtii lagu dhaqaajin lahaa.

Arrinta kale ayaa ah in loo baahan yahay magdhawga askariga ku dhinta duullaankaan, iyo midka ku naafooba, tani ayaana noqotay caqabad kale oo hor leh oo ku hor gudban duulaankan.

Sarkaal katirsan Qaramad Midoobay ayaa sheegay, in uu walaac way ku hayo faqriga uu wajahay duulaaka ciidamada Shisheeye wuxuuna yiri: ” Farqiga maalgelinta waa walaac weyn, Haddii aan la helin taageero waqtigeeda ah, howlgalku wuxuu halis u yahay inuu lumiyo dhulka xilli deegaanka ammaanku uu yahay mid aad u kacsan.”

Isku soo wada duuboo ciidamada Shisheeye ee qeybta ah duullaankaan maalgelin la’aantu haysato, ayaanan bilooyinkii lasoo dhaafay qaadan wax mushaar ah, iyadoo lagu heeyahay deymo badan.

Halkaan ka Degso Warbixinta AUSSOM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.