Wararka naga soo gaaraya Sh-dhexe ayaa waxa ay ku waramayaan, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maanta weerar qarax ah ka fuliyeen duleedka degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku lugeynayay duleedkaa degmada, waxaana lasoo warinayaa inuu khasaare geystay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 4 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka oo midi sarkaal yahay, kuwaas oo kamid ahaa ciidanka qaraxa lala beegsaday.