Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay xalay weeraro isugu jira qarax iyo mid toos ah ka fuliyeen goballada Banaadir iyo Baay.
Haddaan ku horreyno magaalada Muqdisho, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay qarax la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa halka loo yaqaana baar ha idhaafin ee deegaanka Weydow ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday, ciidamo qaabilsanaa diiwaan galinta doorashooyinka qasabka ah ee ay Dowladda Fedaraalka ku san dulleyneyso dadka shacabka ah.
Ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiray taliyihii watay ciidankaas oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Carab ayaa lagu dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay 5 kale.
Geesta kale weerar ayay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada askarta Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.