Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen mid kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka la beegsaday ayaa waxa ay si gaar ah uga tirsan yihiin kuwa loo yaqaanno Boolis Militaaro, waxaana qaraxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 5 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay 5 kale.