Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax bam ah oo galabnimadii shalay ka dhacay magaalo ka tirsan gobalka Califoorniya ee dalka Mareykanka, iyadoo FBI-da Mareykanka ay xaqiijisay in qaraxa uu ahaa mid ula kac ah.
Duqa magaalada uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay, in qaraxa uu ku jiray gaari la dhigay afaafka hore ee goobta uu ka dhacay ama meel u dhow goobtaas.
Dhankeeda hay’adda sirdoonka gudaha Mareykanka ee loosoo gaabiyo FBI ayaa sheegtay, in qaraxa ka dhacay Califoorniyaa, uu ahaa waxa ay ugu yeertay fal argagixiso oo ula kac ah.
Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, balse saraakiisha Mareykan ayaan sheegay, inay wadaan baaritaanno ku aaddan dhacdadaas.