Monday, May 5, 2025
HomeWarka GudahaQarax ka Dhacay Duleedka Baydhabo oo Lagu Dilay Askar Katirsan Ciidanka Itoobiya.

Qarax ka Dhacay Duleedka Baydhabo oo Lagu Dilay Askar Katirsan Ciidanka Itoobiya.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee wadanka kusoo duulay.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa askarta Itoobiyaanka kasoo gaaray weerarkan, waxaana lagu dilay ugu yaraan 2 askari, halka uu ku dhaawacmay mid kale.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana fulisay guutadeeda qaraxyada ee katirsan ciidanka Mujaahidiinta ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada Itoobiya qaraxyo lagula eegto gobolka Baay, waxaana jira kuwo horay udhacay oo khasaarooyin culus lagu gaarsiiyay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.