Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsQarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen...

Qarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen 13 Askari.

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab galabta ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday gaari Cabdi-Bile ah oo ay saarnaayeen saraakiil iyo askar katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka, kaas oo ka dhacay nawaaxiga Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 kamid ah askartii la socotay gaariga la qarxiyay ayaa lagu dilay goobta, halka lagu dhaawacay 8 kale.

Waxaa intaa dheer oo uu burbur soo gaaray gaariga Cabdu-Bilaha ah ee ay saraakiisha la socdeen laguna qarxiyay duleedka magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.