Monday, March 31, 2025
HomeAll NewsQarax ka Dhacay Shabeellaha Dhexe oo Lagu Dilay Ciidamo Burundees ah.

Qarax ka Dhacay Shabeellaha Dhexe oo Lagu Dilay Ciidamo Burundees ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya, in qarax culus lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Burundi oo ku sugnaa deegaanka Buurane.

Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo Burundees ah oo lugeynayay, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 2 askari oo katirsanaa ciidamada Burundi.

Buurane waxay dhowrjeer oo hore marti gelisay qaraxyo lala eegtay ciidamada Burundi, waxaana ay gallaafatay nolosha askar badan oo Shisheeye ah.

Ciidamada Burundi ayaa isku diyaarinaya iney guud ahaan ka baxaan dalka Soomaaliya, kadib markii ay ku qanci waayeen qoondada laga siiyay duullaanka magaca loo bedeley ee UASSOM.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.