Monday, July 7, 2025
HomeAll NewsQarax Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Qarax Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax ka fuliyay, inta udhaxeysa degaanada Buulo Gaduud iyo Baarsangooni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa haleelay gaari Booyad ah oo ay wateen ciidanka Dowladda Fedaraalka, waxaana soo gaaray burbur.

Wali ma aanan helin faahfaahin intaas ka dheeri ah oo saabsan qaraxan iyo haddii uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay.

Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabay weeraradooda ka dhanka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay iyo ciidamada Dowladda Fedaraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.