Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsQarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Duleedka Masagawaay, Galgaduud.

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Duleedka Masagawaay, Galgaduud.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya, in  qarax lagu beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo marayay duleedka Masagawaay, qaraxa ayaana dhaliyay dhimashada 3 askari iyo dhaawaca mid kale.

Weerarakan ayaa kusoo aadaya iyadoo gelinkii hore ee maanta, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen isbaaro ay ciidamada Dowladda Federaalka ku lahaayeen duleedka deegaanka Masagawaay.

Weerarka ayaa lagu dilay ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo laga soo furtay qoriyaashii ay wateen.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.