Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsQarax Masuuliyiin Lagu Dhaawacay oo ka Dhacay Degmada Baladxaawo ee Gedo.

Qarax Masuuliyiin Lagu Dhaawacay oo ka Dhacay Degmada Baladxaawo ee Gedo.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen, gudaha degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday masuuliyiin katirsan degmadaas, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay qaraxaan, iyadoo lagu dhaawacay 8 kale oo uu ku jiro gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee degmadaas ninka lagu magacaabo Cabdifataax Nuur Mataan, kaas oo horay usoo noqday xildhibaan.

Xubnaha ku dhaawacmay qaraxa ee sideeda ah waxaa kaloo ku jira gudoomiye ku xigeenka labaad oo isna lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Aadan iyo hanti dhowraha degmada Baladxaawo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.