Markii Faransiisku sanadkii 1960-kii sameeyay tijaabadii ugu horreysay ee hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka, kaas oo uu ku sameeyay mandiqda Raaqaan ee saxaraha Al-Jeeriya, waxa ay Al-Jeeriya ku jirtay halgankii ay ugu jirtay xornimada ee ka dhanka ahaa gumaystihii Faransiiska. Muddo lix sano ah oo dhamaystiran Saxaraha Aljeeriya waxa uu noqday masrax marti galiyay 17 tijaabo oo hubka Nukliyeer ah oo uu Faransiisku sameeyay.
Kadib dhibaatadii ka dhalatay duqeymihii Nukliyeerka ahaa ee uu Mareykanka ku garaacay dalka Jabaan, Faransiisku waxa uu galay tartan xamaasad leh si uu u helo hubkaas, kaas oo tijaabintiisana uu ka bilaabay dhul uu u arkayay inuu dhacay.
Riyada Faransiiska ee ah inuu yeesho Nukliyeerka ayaa soo taxneyd tijaabintaan ka hor, markii ay lumiyeen inta badan dhulalkii ay gumeysan jireen. Boqortooyada Faransiiskana waxay u muuqatay inay meesha ka baxday kadib markii ciidamadii Naazi-ga ay soo galeen dalkooda waxa loogu yeero dagaalkii labaad ee Adduunka.
Faransiiska oo wax ku dhisanaya tijaabadii Nukliyeerka ee Midowga Soofiyeeti sanadkii 1949-ka, iyo tijaabadii Nukliyeerka ee Ingiriiska sanadkii 1952-ka, ayaa waxa uu aasaasay sanadkii 1945-kii hay’adda tamarta Nukliyeerka, iyadoo Faransiiska uu raacayay hindisaha janaraalkii Faransiiska ahaa ee Shaaral Diighool, waxa ayna Baariis abaabushay dhammaan agabkiisa farsamo iyo dadkii xirfadda u lahaa.
Daraasad cinwaankeedu yahay “Maxay ahayd sababta tijaabooyinka Nukliyeerku uga dhaceen Al-Jeeriya?” oo ay samaysay haweenay cimi-baare ah oo u dhalatay dalka Faransiiska laguna magacaabo Siiziin Tuubajuu ayaa lagu xusay, in sanadkii 1952-kii, Faransiisku bilaabay qorshahiisa tamarta Nukliyeerka ee shanta sano ee ugu horreeya iyada oo ujeedadu ahayd, in la soo saaro ugu yaraan 50 kiiloo garaam oo Buluutuuniyowm ah, taas oo ah kamiyaad ku filan inuu sameeyo lix ilaa siddeed bam. Qorshahaas ayaana mashruucii Nukliyeerka ee Faransiiska ka dhigay mid rasmi ah oo hoos yimaada Jamhuuriyadda Shanaad ee Faransiiska.
Intaasi kadib, Faransiisku wuxuu bilaabay cilmi-baaris uu ku raadinayo goobtii uu ku tijaabin laha Nukliyeerkiisa, waxaana lasoo bandhigay Liis ay ku jireen illaa sadax jaziiradood oo dhaca dalkiisa, laakiinse liiskan waa la iska tuuray.
Kadib hawlgal sahamin ah oo dhacay sanadkii 1957-ka, Saxaraha Al-Jeeriya ayaa lagu heshiiyey in lagu garaaca Nukliyeerka Faransiiska, sababo la xiriira inuu juquraafi ahaan u dhow yahay dalkaas iyo dhulka saxaraha ah ee baaxadda leh oo ay ku yar yihiin dadka.
Faransiisku waxay go’aansadeen mandiqadaha Raqaan iyo Cayn Akar inay yihiin goobaha tijaabadan, iyadoo aagga saddexaad oo lagu magacaabo Kuuluumba-Bashaar, loo adeegsaday tijaabooyinka kiimikada. Halkaa ayuu Faransiisku ka bilaabay inuu isu diyaariyo tijaabadiisii ugu horreysay ee sunta ah.
Daraasaddan ay samaysay haweenayda Faransiiska ah ayaa lagu sheegay, in Faransiisku tijaabadani kala kulmay dhaleeceyn, iyada oo u doodayaasha nabadda iyo dadka deegaanka ee Al-Jeeriya ay ku tilmaameen mid lagu doonayay in lagu baabi’iyo dadka reer Al-Jeeriya.