Wednesday, April 2, 2025
HomeAll NewsQaraxyo iyo Weeraro Ka Dhacay Gobolka Mandera ee Dhulka NFD.

Qaraxyo iyo Weeraro Ka Dhacay Gobolka Mandera ee Dhulka NFD.

Waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadkii taabacsanaa Dowladda Kenya lagu gaarsiiyay, weerarkii cagmarinta ahaa ee shalay ka dhacay deegaanka Biyo-madoobe ee hoostaga degmada Faafi oo katirsan gobalka Mandheera, kana kamid ah dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 6 askari, halka dhaawacuna yahay 3 kale, waxaana intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka kusoo furteen 6 qori oo AK-47 ah iyo qori RPG ah.

Taliyihii Boliska deegaanka Hareeri Suuki ee hoostaga degmada Ceel-qaaluu ee gobalka Mandheera ayaa lagu dilay, howlgal qorsheysan oo ay ciidamaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen deegaankaas, iyadoona laga furtay qorigii iyo booshkii uu ku hubeysnaa.

Intaasi kadib ciidamo usoo gurmaday taliyaha la dilay ayaa waxaa haleelay qarax, kaas oo sababay iney waxyeello xooggan gaarto gaari Taw ah oo ay wateen kaas oo gabi ahaanba gurbtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.