Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weeraro qaraxyo ah oo khasaare dhaliyay ka fuliyeen goballada Shabeellooyinka, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay dalka iyo askarta Dowladda Fedaraalka.
Haddaan ku horreyno gobalka Sh-Dhexe, waxay guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, askar katirsan Shisheeyaha Burundi oo ku sugnaa deegaan katirsan gobalkaas.
Ciidanka Burundi ayaa iyagoo lugeynaya waxaa qaraxa lagula beegsaday deegaanka Buurane ee gobalka Sh-Dhexe, waxaana halkaasi looga dilay 2 askari.
Dhanka gobalka Sh-Hoose, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa isbaaro ay dhigteen magaalada Buulo-Mareer ee gobalkaas.
Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay 1 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay mid kale, kuwaas oo kamid ahaa ciidanka ku sugnaa isbaarada la weeraray.