Guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta howlgallo qaraxyo ah ka fuliyeen, deegaan katirsan gobalka Sh-dhexe iyo duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan Shisheeyaha kusoo duulay dalka gaar ahaan kuwa Burundi, iyo gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Haddaan ku horreyno duleedka Muqdisho, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, gaari Cabdi-bile ah oo ay wateen askar katirsan Dowladda Fedaaralka gaar ahaan kuwa Boliska oo marayay deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay 3 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Maslax, halka lagu dhaawacay 3 kale.
Geesta kale weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, askar katirsan ciidanka Burundi oo ku sugnaa deegaan katirsan gobalka Sh-dhexe.
Ciidankaaan oo lugeynayay ayaa waxaa qaraxa lagula beegsaday deegaanka Buurane ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Sh-dhexe, waxaana looga dilay 3 askari.