Friday, July 11, 2025
HomeAll NewsQaraxyo Khasaare Dhaliyay oo Ciidanka Dowladda Fedaraalka Lagula Beegsaday Hiiraan & Sh-dhexe.

Qaraxyo Khasaare Dhaliyay oo Ciidanka Dowladda Fedaraalka Lagula Beegsaday Hiiraan & Sh-dhexe.

Wararka ka imaanaya goballada Hiiraan iyo Sh-dhexe ayaa ku waramaya, in guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro qaraxyo ah ka fuliyeen qeybo kamid ah goballadaas.

Haddaan ku hormarno gobalka Sh-dhexe, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, koontarool ay ku sugnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhaawacay, weerarka qaraxa ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliiyeen, bar-koontarool oo ku taalla magaalada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.

Geesta kale guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax la beegsatay, isbaaro ciidamada Dowladda Fedaraalka utiillay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaare soo gaaray askarta la beegsaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.