Maanta waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degaanka Buurane ee gobolkaSh/Dhexe waxaa ka dhacay, hawlgallo qaraxyo ah oo ay fulisay guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday askar katirsan kuwa Boolis Millataaro ee Dowladda Fedaraalka, labo kamid ah ciidankaasi ayaana ku dhaawacmay.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay degaanka Buurane ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana lala eegtay askar Burundees ah, hal askari ayaana ka dhintay halka mid kale uu ka dhaawacmay.
Hawlgallada kala duwan ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si isdabajooga ah loola beegsadaa ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, waxayna ka dhaxleen dhiigbax joogto ah.