Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro qaraxyo ah oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Bakool iyo Madnheera ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Haddaan ku horreyno gobalka Mandheera, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, bar-koontarool oo ay askarta Kenya ku leeyihiin magaalada Mandheera ee dhulka NFD.
Ugu yaraan 2 sarkaal oo katirsan Dowladda Kenya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxaan ka dhacay magaalada Mandheera, kuwaas oo ahaa Miino baarayaal.
Geesta waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qarax la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya oo ku sugnaa degmo katirsan gobalka Bakool.
Qarax ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay degmada Waajid ee gobalka Bakool, waxaana lagu dilay mid kamid ah ciidamada Dowladda Xabashida Itoobiya.