Hal askari ayaa lagu dilay, 5 kalena waa lagu dhaawacay, qarax maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaasoo lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Dhanka kale, Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Afgooye ayaa qarax lagula beegsaday gudaha degmadaas, waxaana ku dhintay 2 askari oo ilaalo u ahaa masuuliyiinta la weeraray.
Dhinaca kale, Maxamed Isxaaq oo ah gudoomiye kuxigeenka labaad ee maamulka degmada Balad Xaawo ayaa guriga uu magaaladaasi ka deganyahay, waxaa lagu weeraray 2 qarax, waxaana ku dhaawacmey hal askari.