Qiimaha Dahabka ayaa kor u kacay shalay oo Isniin ahayd, iyada oo dhanka kale la dareemayo hoos u dhac xooggan oo ku yimi lacagta Doollar-ka. Maalgashadayaasha Dahabka ayaana sugaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xiriirka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha, oo ay weheliyaan kulanka siyaasadda lacagta ee Kaydka Federaalka Maraykanka ee la qorshaynayo in la qabto dhammaadka toddobaadkan.
Dahabka xaaliga ah ayaa kor u kacay boqolkiiba 0.5, kaas oo qiimo ahaan gaaraya in kabadan 3,250 Doollar halkii Awqiyo, halka Dahabka mustaqbalka ee Maraykankuna uu sara u kacay boqolkiiba 0.7, kaas oo qiimo ahaan isna gaaraya in kabadan 3,260 Doollar halkii Awqiyo.
Dhanka kale, Doollarka ayaa laga dareemayaa hoos u dhac gaaraya boqolkiiba 0.3 marka loo eego lacagaha kale ee waaweyn, arrintan ayaana dhiirigalin dheeriya siinaysa maalgashadaasha Dahabka ee haysta lacagaha kale, sida lacagta Yuurooga ama tan Ingiriiska.
Tiim Weetar, oo ah falanqeeye sare oo ka shaqeeya suuqa ganacsi ee magiciisa loosoo gaabiyo KCM Tareedhin ayaa yiri “Dollarka Maraykanku waxa uu u muuqdaa mid sii daciifaya ka hor kulanka kaydka federaalka ee la qorsheeyay in la qabto isbuucan, kaas oo u oggolaanaya Dahabka in uu yeesho qiimo xadidan”, waxa uu intaa ku daray, in ay dhici karto in qiimaha Dahabku uu kor usii kaco illaa uu ka gaaro 3,350 Doollar halkii Awqiyo ka hor inta uusan dhicin kulankan.
Heshiis kasta oo kasoo baxa go’aanada lagu gaaro shirka kaydka Fadaraalka ee Maraykanka oo ay kamid tahay khudbadaha ay jeedinayaan mas’uuliyiinta shirkaas ayaa sababi karta, isbeddel cusub oo ku yimaada dhanka ganacsiga, kaas oo go’aaminaya mustaqbalka siyaasada lacagta Maraykanka ee haatan wajahaysa hoos u dhaca.
Ganacsatada ayaa waqti xaadirkaan odorosaya, in lacagaha dulsaarka ah la dhimo sanadkan illaa qadar gaarayo boqolkiiba 80 laga bilaabo bisha Juulaay, kadib warbixin kasoo baxday waaxda shaqada ee Maraykanka Jimcihii lasoo dhaafay, taas oo muujinaysay inay samayn doonaan shaqo abuur ka sareeyo kii la filayay bishii Abriil ee lasoo dhaafay.