Dalka Suuriya ayaa 8-dii bishii December ee sanadkaan waxa uu marti galiyay marxalad cusub, kadib markii la riday nidaamkii Nuseyriga ahaa ee uu hogaaminayay Bashaar Al-Asad, kaas oo muddo sanado ah dhibaato ba’an ku hayay Muslimiinta Suuriya.
Kacdoonka lagu riday nidaamka Nuseyriga ah, ayaa waxaa ka dhashay in kumannaan ruux oo Maxaabiis Muslimiin ah ay xurriyadooda dib uhelaan, kadib markii kooxaha kacdoon wadayaasha Suuriya ay usuura gashay, iney gabi ahaanba xabsiyada kasoo daayaan dadkii dulmanayaasha ahaa ee sida xaqdara ah ugu xirnaa nidaamkii dhacay ee Bashaar Al-Asad.
Xabsiyada ay Nuseyriyadu ka hirgaliyeen Suuriya, ayaa lagu tilmaamaa iney kamid yihiin kuwa ugu xun ee caalamka ku yaalla, islamarkaana tacdiibka daran loogu geysato dadka Muslimiinta ah, halka taqaariirta qaarna ayba sheegayaan in xittaa dadka gaalada ah aysan ka badbaadin, ijraamka nidaamkii la riday ee xoogga ku heystay dalkaas.
Mid kamid ah xabsyada ugu waaweyn ee ku yaalla Suuriya islamarkaana ah kan ugu sumcadda xun, waa xabsiga la yiraahdo Seydnaaya ee ku yaalla magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kaas oo sidoo kale loo garan ogyahay kawaanka basharka.
Qaar kamid ah maxaabiistii laga sii daayay xabsiyada maamulkii Nuseyriga ahaa ee Suuriya ayaa ka warbixiyay dhibaatadii ay kula kulmeen xabsiyadaas iyo farajka uu Allaah ubixiyay.