Thursday, April 17, 2025
HomeAll NewsReer-galbeedka oo ka Walaacsan Weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho.

Reer-galbeedka oo ka Walaacsan Weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho.[WARBIXIN]

Qeybaha kala duwan ee warbaahinta caalamka si gaar ah kuwa wadamada ree-galbeedka, ayaa waxa ay siyaabo kala duwan kaga hadleen saameynta ka dhalatay weeraradii ugu dambeeyay ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho, si gaar ah kuwii beegsaday xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.

Wargeys kasoo baxay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo The Defense Post, islamarkaana ka faallooda arrimaha la xiriira difaaca iyo amniga, gaar ahaan Afrika, Bariga dhexe iyo Koonfurta Aasiya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in duqeyntii ugu dambeysay ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqisho ay yeelatay saameyn caalami ah.

Wargeyska ayaa tilmaaamay in Madaafiicdii lagu garaacay xerada Xalane ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Muqdisho ay hakad galisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray Soomaaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah.

Weerarkaan saameynta xooggan yeeshay ayuu wargeysku sheegay inuu kusoo aadayo todobaadyo un kadib markii weerar qarax ah lala beegsaday, kolonyo uu la socday Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh, kaas oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada, Masuuliyaddiisuna ay sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxybaaha uu wargeysku ku tilmaaamay iney yihiin kuwa muujinaya saameynta heerka caalami ah ee ka dhashay weerarkii Xalane ayaa waxaa kamid ah, iyadoo diyaaradda Turkiga hawada laga celiyay kadib markii ay madaafiic kusoo dhaceen meel u dhaw garoonka diyaaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyo hakinta duulimaadkii ay sharikadda diyaaradaha Masar ka sameyn jirtay magaalada Muqdisho.

In Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xilliyo aan sidaa ukala fogeyn weeraro ka geysato xarunta Xalane oo si weyn loo ilaaliyo, hoyna u ah Qaramada Midoobey, Safaaradaha dowladaha Shisheeye ee duullaaanka ku jooga dalka iyo taliska ciidanka Afrikaanka ee magaca loo badalay, ayuu wargeysku sheegay iney qeyb ka tahay arrimaha muujinaya walaaca amni ee ka jira magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay taliska ciidanka Shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka ayaa xaqiijiyay in Madaafiicdu ay beegsadeen gudaha xarunta Xalane, halka sarkaal amni oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP uu xusay in weeraradaani ay umuuqdaan kuwa sII socon doono.

Warbaahinnada reer-galbeedka iyo falanqeeyayaasha arrimaha geeska Afrika, ayaa waxa ay mudooyinkii lasoo dhaafay walaac ka muujinayeen weerarada sii xoogeysanaya ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulineyso magaalada Muqdisho, kuwaas oo saameyntooda ay si muuqata usoo shaacbaxday.

Tani ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyadoo warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen 21 dal iyo 4 Urur oo caalamiya lagu muujiyey walaaca ay ka qabaan taqadumka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya, si gaar ah goballada Shabeellooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.