Isbitaallo ku yaalla magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqay, in saddexdii maalmood ee Ciidul-Fidriga la diiwan galiyay dhaawacyo aad u badan oo soo gaaray carruurta, kuwaas oo ka dhashay qalabyadii ay ku ciideen Caruurta, halka qaarkood ayba ku waayeen aragoodii.
Xogta rasmiga ah ee isbitaallada dowladda ayaa tilmaamaysa, in inka badan 230 xaaladood laga diiwaan geliyay afar magaalo oo ka tirsan Liibiya intii lagu guda jiray seddex maalmood ee ciidda, halka dhakhaatiirta qaar ay rumeysan yihiin, in tirada dhabta ah ay ka badan karto intaasi, maadaama dadka deegaanka qaarkood ay caruurtooda geysteen xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
Magaalada caasimadda ah ee Tripoli, Isbitaalka Indhaha ee Dowladda ayaa ku dhawaaqay, in saddexdii maalmood ee Ciidda ay soo gaareen in ka badan 60 xaaladood oo dhaawacyo indhaha ah, kuwaas oo isugu jiray kuwa fudud iyo kuwa dhexdhexaad ah, caruurtaasi qaarkood waxaa soo gaaray dhiig-bax gudaha ah iyo dhibaatooyin kale.
Dahnkiisa Isbitaalka Ibn Sina Teaching Hospital ee magaalada Sirte, ee bartamaha waqooyiga dalkaas, ayaa sidoo kale soo sheegay, in la diiwaan geliyay 26 xaaladood oo dhaawacyo ah, halka Xarunta Caafimaadka Sabha ee koonfurta Liibiya ay heshay 63 xaaladood, oo ay ku jiraan laba xaaladood oo u baahan qalliin degdeg ah.