Waxaa soo idlaaday wada-hadallo Jimcii magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ugu furmay wufuud ka kala socotay dowladaha Ruushka iyo Yukrayn, sida ay xaqiijiyeen dhinacyihii halkaasi ku shirsanaa.
Kulunkaan oo lagu waday inuu qabsooma maalintii Khamiista ayna isugu yimaadaan madaxwaynayaasha labada dal ayaa Jimcii dib loogu dhigay, kadib markii uu soo xaadiri waayay Madaxwaynaha Ruushka Faladamiir Buutin, kaas oo mar labaad aan kasoo qayb galin kulunkii Jimcaha.
Madaxwaynaha Yukrayn Faladamiir Zeleniski oo Khamiistii safar ku yimid dalka Turkiga, ayaa dib uga laabtay dalkaas, isagoona sheegay, inuusan ka qeybgalaynin wadahadalladan maadaama dhigiisa Ruushka uu diiday ka qayb galka shirkaas.
kadib markii ay suurtoobi waysay in la kulansiiyo labada madaxwayne, waxaa magaalada Istanbuul ka dhacay kulan ay yeesheen wufuud ka kala soctay labada dal, kaas oo noqonaya kii ugu horeeyay oo toos ah oo dhexmara dowlaha Ruushka iyo Yukrayn tan iyo 2022-kii, kolkaas oo uu qarxay dagaalka u dhexeeya Mosko iyo Kiyeef.
Shir socday ku dhawaad labo saac kadib waxay labada dal Jimcihii ku heshiiyeen, in la is dhaafsado labo Kun oo maxaabiis dagaal ah, sida ay xaqijeen labada mas’uul ee kala hogaaminayay wufuudda dowladaha Ruushka iyo Yukrayn. Waana tiridii ugu badnayd ee maxaabiis ah ee ay is dhaafsadaan labada dhinac tan iyo markii uu dagaalka bilowday 2022-ka.
Madaxa wafdiga Ruushka, ninka lagu magacaabo Faladamiir Midiiniski, oo ku dhawaaqay hashiiskaan maxaabiis isdhaafsiga ah ayaa sheegay, in Kun maxbuus oo Yukreenyaan ah ay ku badalan doonaan Kun maxbuus oo Raashiyaan ah oo ku xiran jeelalka Yukrayn, isagoo intaasi ku daray, in Mosko iyo Kiyeef ay ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan soo jeedin faahfaahsan oo ku saabsan xabbad joojin ka hergasho labada dal.
Mas’uulkaan Raashiyaanka ah ayaa sidoo kale sheegay, in Yukrayn ay codsatay kulan dhexmara madaxweynayaasha labada dal, isla markaana Ruushka uu tixgelin doono codsigan, isagoo intaa ku daray, in Mosko ay diyaar u tahay inay sii wadda wada-hadallada.
Rajadii laga qabay in horumar la taaban karo laga gaaro wadahadalladani tooska ah ee dowladaha Ruushka iyo Yukrayn ku dhexmaray Turkiga ayaa noqotay mid aad u yar, marka loo eego maqnaanshaha madaxweynaha Yukrayn, oo Khamiistii ku sugnaa Turkiga iyo madaxweynaha Ruushka.