Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinayay, in Ruushka uu ciidamo khibrad kasoo korarsaday dagaalka Yukrayn iyo basaasiin soo dhoobay xadka uu la wadaago dalka Fiinlaand, taasoo walaac ku beertay dowladaha reer galbeedka.
Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo uu qoray mawqica Ingiriiska ah ee “Aay Biir”, Ruushku waxa uu xoojinayaa joogitaankiisa millatari ee ku aaddan xuduuddiisa dheer ee qiyaastii gaarayso 1,290 kiiloo-mitir ee uu la leeyahay waddan Fiinlaand, dalkaas oo ah xubin dhawaan ku biirtay gaashaan-buurta NATO.
Xoojintan waxaa ka mid ah in xadkaasi la geeyo boqolaal askari iyo khubaro sirdoon, halka sawirradda dayax-gacmeedka ay daaha ka qaadeen, sida halkaas loogu balaarinayo kaabayaasha difaaca ee Ruushka, sida saldhigyada ciidamada cirka iyo xeryaha milatariga.
Iyadoo khubarada, sida laga soo xigtay mareegtan, ay muujinayaan in duullaan degdeg ah oo Ruushku qaado aysan suurtogal ahayn, waxay u tixgalinayeen tallaabooyinkan, xoojin istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo ujeedooyinka Mosko iyo diyaarinta nuqda ama bar ay ka anba qaadaan weerarrada mustaqbalka laga yaabo inay qaado Mosko.
Dhankeeda, dowladda Fiinlaand waxay si dhow ula socotaa arrimahan, falanqeeyaha milateriga ee Fiinlaand ninka lagu magacaabo Imiil ayaana tibaaxay, in Mosko ay hagaajinayso qaab dhismeedkeeda difaac si loo geeyo halkaas tobanaan kun oo ciidamo dheeraad ah.
Falanqeeyahan milateriga oo ka walaacsan tallaabooyinka Ruushka ayaa yiri “Dabcan, tirada aadka u badan ee ciidamada ayaa saameyn ku leh amniga deegaanka”, isagoo xusay in “Ruushku uusan lasoo gudboonaanin walaac amni oo sharci ah, isbahaysiga NATO-na booska uu jooga uu yahay mid isdifaacid ah oo kaliya, Ruushkuna uu arintaasi ogyahay.