Wednesday, May 21, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Dalkiisa ka Mamnuucay Hay’adda Amnesty International.

Ruushka oo Dalkiisa ka Mamnuucay Hay’adda Amnesty International.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa Isniintii ku dhawaaqay, inay mamnuuceen dhaqdhaqaaqyada ay hay’adda Amnesti Internashnaal ka waddo dhulkooda, iyagoo u arkay urur aan loo baahnayn.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer Ilaalinta guud ee Ruushka ayaana gabi ahaanba lagu mamnuucay shaqooyinkii ay hay’addani ka haysay gudaha Ruushka.

Sababaha hay’addani looga mamnuucay gudaha Ruushka ayaana lagu sheegay, in tan iyo bilowgii dagaalkii Yukrayn, ay xubnaha hay’addani samaynayeen wax kasta oo ay awoodaan si ay u huriyaan iska-hor-imaad milatari oo ka dhaca gobolka, ayna isku dayeen inay marmarsiyo uraadiyaan dembiyada ay geysanayaan darafka Yukrayn ee dagaalka ba’an kula jiro Ruushka, waa sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Ruushka.

Waxa ay sidoo kale Raashiyaanka u tixgeliyeen, in xarunta guud ee ay hay’addani ku leedahay  magaalada Landhan ee caasimadda Ingiriiska, ay tahay xarun lagu diyaariyo mashaariicda caalamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka, oo ay maalgeliyaan shuraakada maamulka kiyeef.

Hay’adda Amnesti Internashnaal ee sheegata inay u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankeeda ka jawaabtay amarkaan kasoo baxay Ruushka.

Xoghayaha guud ee hay’addan haweenayda lagu magacaabo Anyees Kaalaamaar ayaa sheegtay, in aysan u hogaansami doonin hanjabaadaha Ruushka, ayna gudaha dalkaas kasii wadi doonnaa shaqooyinkoodii.

Haweenaydaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Way khaldameen maamullada Ruushka hadday u maleeyeen inay hawlaheenna ku istaagayaan, in nagula daro liiska ururrada aan looga baahnayn Ruushka”. Kaas oo ah hadal u muuqda hanjabaad.

Waxa ay sidoo kale ballan qaaday, in ay sii wadi doonto diiwaan gelinta iyo soo bandhigida waxa ay ugu yeertay dambiyada dagaal ee uu Ruushka ka geystay Yukrayn.

Waxaa xusid mudan, in Xarunta ugu wayn ee hay’addan sheegato inay u dooda xuuqul Insaanka ay ku taallo caasimadda Ingiriiska ee Landhan, kaas oo ah dalka kayyaan Yahuudda ku beeray dhulka Falastiin, siiyana hubka uu ku xasuuqayo reer Falastiin, waana arin ku tusinayso, xuquuqda ay sheeganayso hay’addan mid afka baarkiisa ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.