Saturday, May 24, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Duqaymo Culus ku Garaacay Magaalada Kiev ee Caasimada Dalka Ukraine

Ruushka oo Duqaymo Culus ku Garaacay Magaalada Kiev ee Caasimada Dalka Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa weerarro isdaba joog ah oo iskugu jiray duqeymo iyo weeraro loo adeegsaday diyaarado daroon ah ka fuliyay magaalada Kiyeef ee caasimadda dalka Yukrayn, kuwaas oo sababay dhaawaca ugu yaraan siddeed qof. Duqeymahan ayaana sidoo kale dhaliyay dab xooggan oo ka kacay goobaha ay duqaymuhu beegsadeen. Ciidamada difaaca cirka ee Yukrayn ayaana sheegay, inay ka hortageen qaar kamid ah gantaalada uu Ruushku kusoo weeraray magaalada Kiyeef.

Sidoo kale, magaalada Odeesa ee ay ku taalla dakad muhiim u ah Yukaryn ayaa lala beegsaday weeraro gantaallo ah oo uu Ruushku ku  qaaday magaaladaas, iyadoo ugu yaraan laba qof ay ku naf waayeen duqaymahan, halka burbur baaxad leh uu gaaray kaabayaashii dekedda. Gobolka Donesk oo ah halka dagaalada ugu daran ay ka socdaan ayay wararku waxay sheegayaan, in saddex qof ay ku dhinteen weeraro hubaysan oo ka dhacay goobo kala duwan oo ka tirsan gobolkaas.

Dhanka kale, ciidamada Yukrayn ayaa bartilmaameedsaday warshad soo saarta Batariyada oo muhiim u ah ciidamada  Ruushka, taas oo qeyb ka ah warshadaha soo saara gantaallada iyo diyaaradaha ay adeegsadaan ciidamada Ruushka.

Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sargeey Lafroof ayaa sheegay, in Moskow ay diyaar u tahay inay Yukrayn u gudbiso qoraalka qorshe nabadeed oo labada dhinac ay kusoo afjaraan dagaalka, kaddib markii ay isweydaarsadeen maxaabiis dagaal oo aad u badan.  Yukrayn ayaana dhankeeda sugaysa, in Ruushku uu soo bandhigo shuruudihiisa wadaxaajoodka, iyada oo madaxwaynaha Yukrayn uu ku baaqay, in kulankaas uu kasoo qayb gallo madaxwaynaha Maraykanka  Doonal Taraam.

Ruushka ayaa dhawr jeer ku dhawaaqay, inuu wada xaajood nabadeed la galayo Yukrayn, kaas oo marar badan kusoo dhamaaday fashil, kaddib markii laisku fahmi waayay shuruudaha labada dhinac ay miiska wada-hadalka keensadeen, arrintan ayaana salka ku haysa qorshe istaraatiijiyadeed oo uu Buutiin ka leeyahay Dagaalka Yukrayn, taas oo ah in uu dalalka Reer Galbeedka ku daaliyo wada xaajoodyo aan dhamanyn illaa ay is dhiibaan, sida ay sheegeen khuburo siyaasadeed oo u dhuun daloola dagaalada badan dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.