Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Duqeymo Ballaaran ka Fuliyay Magaalada Kiev ee Caasimada Ukraine.

Ruushka oo Duqeymo Ballaaran ka Fuliyay Magaalada Kiev ee Caasimada Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa weerar culus la beegsaday magaalada Kiyeef ee caasimada Yukray, kaas oo sababay khasaare kala duwan, iyada oo ay fashil kusoo dhamaadeen wadahadallo labada dhinac loogu qabtay magaalada Istanbuul ee Turkiga.

Saaka oo Axad ah magaalada caasimada ah ee Kiyeef ayaa martigalisay weerar xoogan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, ciidamada cirka ee Yukrayn ayaana shaaca ka qaaday in inka badan afar saacadood ay hawada sare ee dalkaas ay ku sugnaayeen daraasiin diyaarado daroon ah oo weerarro ka gaysaty magaalada Kiyeef iyo gobollo kale oo ka tirsan dalkaas, iyadoo oo ay horay usoo baxeen digniino ka dhan ah diyaaradaha Ruushka ee duulaanka kusoo ahaa gudaha Yukrayn.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay gudaha iyo hareeraha caasimadda, kuwaasoo saameyn xooggan ku yeeshay amniga iyo xaaladda guud ee magaalada Kiyeef. Wakaaladda wararka ee Roytaris ayaa xaqiijisay in illo ka tirsan ciidamada cirka ee Yukarayn ay si cad u shaaciyeen, in weerarkan uu ahaa mid baaxad leh oo gaystay khasaare culus, In kastoo aan la sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duulaankan.

Wararka ka imaanaya gobolka Sumi ee dalkaas ayaa sheegaya, in sagaal qof oo rayid ah ay ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo lagu qaaday bas ay saarnaayeen dad Yukreeniyaan ah, duqayntan oo ku beegnayd xalay saqdii dhexe ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada Biiluubiiliyah, taas oo sare u qaadaysa xiisada colaadeed ee ka dhex taagan labada dhal.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili uu fashil kusoo idlaaday kulan ay wada yeesheen mas’uuliyiin ka kala socday Ruushka iyo Yukrayn, kaas oo ka qabsoomay magaalada Istanbuul. Wadahadaladan ayaa lagu gaaray kaliya heshiis maxaabiis is dhaafsi ah, iyada oo la isku fahmi waayay dhamaan shuruudihii ay labada dhinac keensadeen miiska wada hadalka. Fadhigan ayaana ahaa kulankii ugu horreyay ee labada dhinac ay si toos ah isu arkaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Yukrayn sanadkii 2022-kii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.