Magaalada Kiyeef ee caasimada dalka Yukrayn ayaa wajahaysa weerarro cirka ah oo xooggan, kuwaas oo ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka. Weerarkan ayaa noqday mid kamid ah hawgaladii ugu halista badanaa ee ka dhaca caasimada Yukrayn tan iyo markii la galay wejigan cusub ee colaadda u dhaxaysa Yukrayn iyo Ruushka, weeraradan ayaana cabsi iyo jahawareer xooggan ku abuuray shacabka Yukreeniyaanka ah ee dagan magaalada Kiyeef iyo nawaaxigeeda.
Wararka laga helayo warbaahinada dalka Yukrayn ayaa kusoo waramaya in barqonimadii maanta, magaalada Kiyeef laga maqalay jugta qaraxyo xooggan oo gilgilay guud ahaan magaalada, kuwaas oo ahaa weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo daroonis ah oo ay ciidamada Ruushku ku bartilmaameedsadeen goobo xasaasi ah oo ka tirsan magaalada Kiyeef.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada cirka Yukrayn iyo maamulka milatariga ee gobolka Kiyeef ayaa lagu sheegay, in hawada magaalada ay buuxdhaafiyeen guuxa iyo iftiinka madaafiicda lidka diyaaradaha iyo jugta qaraxyada, taas oo muujisay culayska weerarka ay ciidamada Ruushku kusoo qaadeen magaaladaas.
Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay xalay burburiyeen 49 diyaaradood oo daroonis ah oo ay lahaayeen ciidamada Yukrayn. Diyaaradahan ayaa lagu burburiyay hawada sare ee gobollo badan oo ka tirsan Ruushka, sida uu sheegay mas’uul sare oo katirsan wasaarada.
Weeraradan xooggan ee ay ciidamada Ruushku ku qaadeen magaalooyinka waawayn ee Yukrayn ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan ay milatariga Ruushku ku dhawaaqeen inay qaadi doonaan duulaan balaaran oo saamayn doona guud ahaan Yukrayn, kaddib markii ciidamada Kiyeef ay burburiyeen in kabadan 40 diyaaradood oo istaaraatiiji ah oo ay lahaayeen mitariga Ruushka, taas oo dhabar jab wayn ku noqtay xukumada Moskow.