Dowladda Yukrayn ayaa sheegtay, in caasimadda dalkaas ee Kiyeef ay saaka wajahday weerarro isdaba joog ah, kuwaas oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo kasoo kacay dhanka Ruushka. Dadka magaalada ku sugan ayaana maqlay jugta qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo gilgilay degmooyin badan oo ka tirsan gobalka.
War rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Yukrayn, oo uu ku saxiixnaa Taymur Takajenko oo ah madaxa maamulka militariga ee magaalada Kiyeef ayaa lagu sheegay, in magaalada lagu qaaday weerar dhowr mar ah, kuwaas oo ahaa mowjado isxig xigay oo ay fuliyeen diyaaradaha darooniska ee Ruushka. Takajenko ayaana dadka magaalada ku dhaqan ugu baaqay in ay ku sugnaadaan xarumaha laga galo duqaymaha.
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay weerarkan inta la xaqiijiyay, duqeynmaha ayaana intooda badan beegsaday goobo ay ku badan yihiin dadka rayidka ah, gaar ahaan xaafado ay isku raran ah oo aad ugu dhow xarumo dawladeed oo loo malaynayo in uu bartilmaameedku ahaa. Sawirro ay faafisay wakaaladda wararka AP ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray dhismooyin la daganaa, iyadoo la arkayay haraadiga qaar kamida diyaaradaha darooniska ah ee weerarka qaaday.
Dhanka kale, Taliyaha guud ee ciidamada Yukrayn, Aleksandar Sayriski, ayaa shalay sheegay in dalkiisu uu kordhin doono weerarrada uu ku beegsanayo bartilmaameedyada milatari ee ku yaalla gudaha Ruushka, hanjabaadan ayaana timi kaddib markii ay Kiyeef fulisay weerar ballaaran oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla bariga gobalka Saybeeriya ee dalka Ruushka.
Weerarkan ayaana kusoo beegmaya iyadoo isla shalay uu Ruushku gudaha dalka Yukrayn ka fuliyay weerar culus oo lagu dilay in kabadan 70 askari, kaas oo si gaara uga dhacay saldhig milatari oo uu tababar uga socday ciidamo cusub oo Yukreeniyaan ah kuna yaalla gobalka Khersoon ee dalka Yukrayn.