Saturday, June 7, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Duqeyntii Ugu Cusleyd ka Fuliyay Ukraine Tan iyo Billawgii Duullaankiisa...

Ruushka oo Duqeyntii Ugu Cusleyd ka Fuliyay Ukraine Tan iyo Billawgii Duullaankiisa Ukraine.

Ruushka ayaa qaaday weerarkii ugu xooganaa ee loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee darooniska tan iyo markii uu dagaalka Yukrayn  bilaabmay horaanta sannadkii 2022-ka, iyada oo weerarradaasi ay sababeen khasaare isugu jira naf iyo maalba, halka Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam uu si lama filaan ah uga dhawaajiyey hadal kulul oo ku saabsan hoggaamiyaha Ruushka, Faladamiir Buutiin, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay nin waalan.

Milatariga Ruushka ayaa qaaday weerarkii Saddexaad oo xiriir ah, kaas oo khasaare xoogan ka gaystay gudaha Yukrayn . Ciidamada cirka ee Yukrayn  ayaana sheegay, in Ruushku uu dalkooda kusoo weeraray in kabadan 350 diyaaradood oo ah nooca “Shaahed” iyo 9 gantaal oo Kuruus ah. Hawgalkan ayaana noqday weerarkii ugu ballaarnaa oo loo adeegsado diyaarado Daroon ah oo uu Ruushku kusoo qaado Yukrayn tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Duqaymahan oo lagu bartilmaameedsaday magaalooyin badan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 13 qof, iyadoo sidoo kale la sheegay in ay ku burbureen 18 dhisme oo ku yaalla gobol dhaca galbeedka Yukrayn. Weeraradan ayaa sidoo kale sababay dhaawaca dad Yukreeniyaan ah oo ku sugan gobolka Odeesa.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, inay la wareegtay laba tuulo oo ku dhow xadka Yukrayn, kuwaas oo ku yaalla gobolka Sumi ee waqooyi-bari dalka Yukrayn  halkaas oo uu Ruushku doonayo in uu ka dhisto aag amni oo cusub, si uu uga hortago weerarada kaga imaanaya dhanka Kiyeef.

Dhanka kale, Doonal Taraam ayaa si lama filaan ah uga falceliyay weerarrada Ruushka isaga oo sheegay in Buutiin uu yahay qof aan la saadaalin karin. Taraam ayaana bartiisa Turuuth Shooshiyaal ku yiri “Waxaan xiriir wanaagsan la lahaa Buutiin, laakiin hadda wax baa is beddelay maadaama uu u muuqdo mid waalan”

Afhayeenka Kirimiliinka oo ka falceliyay hadalka kasoo yeeray Doonal Taraam ayaa si adag u taageeray qorshaha Buutiin ee ku aadan Yukrayn, isaga oo sheegay in talaabooyinka ay qaadayaan ciidamadiisu ay ku sugayaan amniga Ruushka, wuxuuna xusay in marxaladda hadda la joogo ay tahay mid xasaasi ah oo halis galin karta jiritaanka Ruushka.

Weeraradan xooggan ee uu Ruushku ku qaadayo Yukrayn ayaa imaanaya iyada oo dawladaha reer galbeedku ay saanad ciidan oo xaagan siiyeen Kiyeef, taas oo u suuragalinaysa inay si toos ah u weeraraan xarumaha xasaasiga ah ee gudaha Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.