Monday, May 5, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Hakiyay Isku Cocodka Garoon Caalami ah oo ku Yaalla Magaalada...

Ruushka oo Hakiyay Isku Cocodka Garoon Caalami ah oo ku Yaalla Magaalada Mosco.

Militariga dawladda Yukrayn ayaa qaaday weerar culus oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu beegsaday gobollo kala duwan oo katirsan dalka Ruushka, goobaha ay sida gaar ah u beegsadeen diyaaradaha Yukrayn waxaa kamid ahaa mid kamida garoomada caalamiga ah ee magaalada Moskoo.

Ciidamada Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ay iska caabiyeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yukrayn ay la beegsadeen magaalada caasimada u ah dalkaas ee Moskoo, taas oo sababtay in si ku meel gaar ah loo hakiyo duulimaadyadii ka kici jiray garoonka caalamiga ah ee magaaladaas.

Waaxda gaadiidka cirka ee dawladda Ruushka ayaa barteeda Telegram-ka ku shaacisay in si ku meel gaar ah loo hakiyay duulimaadyada garoonka Duumuudiiduufuu e magaaladaas, oo ka mid ah garoomada ugu muhiimsan ee ku yaalla magaalada Moskoo, laga bilaabo saacadu marka ay tahay ​​2:30 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee dalkaas, si loo xaqiijiyo badbaadada hawada ee duulimaadyada.

Duqa magaalada Moskoo Sarqee Sabyaanan ayaa sheegay subaxnimadii hore ee maanta in nidaamyada difaaca hawadu ay burburiyeen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay ciidamada Yukrayn ku weerareen caasimadda Ruushka, isaga oo intaas ku daray in weerarkaas uusan gaysan wax khasaare ah.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo caasado un kahor ay labada dal is waydaarsadeen duqaymo xooggan oo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed, kaas oo ay ciidamada Ruushku ku beegsadeen magaalada caasimada u ah Yukrayn ee Kiyeef.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.