Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsRuushka oo In ka Badan 100 Kun oo Ciidamo Cusub ah ku...

Ruushka oo In ka Badan 100 Kun oo Ciidamo Cusub ah ku Weeraray Gobalada Bari ee Ukraine.

Xaaladda dagaal ee ka jirta Bariga Yukrayn ayaa markale cirka isku shareertay, kaddib markii Ruushku uu isku dayay la wareegidda magaalooyin istaratiiji ah oo dhaca dalka Yurayn. Jeneraal Aleksandar oo ah taliyaha guud ee ciidamada Yukrayn ayaa shaaciyay in Ruushku uu bilaabay weerar cusub oo xooggan oo lagu beegsanayo magaalada istiraatiijiga ah ee Kosti’antinifka, oo ka tirsan gobolka Doneesk.

Aleksandar ayaa bartiisa Telegraam-ka ku daabacay, qoraal dheer oo uu ku sheegay, in deegaanka ku hareeraysan magaalada Kosti’antinifka uu haatan noqday goob dagaal, isagoo sheegay in ciidamada Ruushku ay si joogto ah duqaymo culus ugu garaacayaan magaalada iyo nawaaxigeeda, balse aysan weli wax guulo ah ka gaarin. Wuxuu intaas raaciyay in Ruushku uu la kulmay khasaare aad u weyn oo dhinaca milatariga ah intii uu ku guda jiray isu dayadiisan hada socda.

“Cadawgu waxa uu isku dayayaa inuu jebiyo difaacyadeenna, wuxuuna doonayaa inuu horumar ka sameeyo saddex jiho oo kala duwan,” ayuu yiri Aleksandar, isagoo muujiyay sida ay ciidamada Yukrayn u hortaagan yihiin weerarada joogtada ah ee kaga imaanaya dhanka Ruushka.

Magaalada Kosti’antinifka ayaa horey u ahayd bartilmaameed muhiim ah oo ay ciidamada Raashiyaanku doonayeen inay qabsadaan, kaddib markii uu fashilmay duullaankii hore ee ay ku qaadeen magaalada caasimada ah ee Kiyeef bilowgii dagaalka bishii Febraayo 2022-kii.

Dhanka kale, shalay Sabtidii wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen magaalada Jeerfoona-Zirka oo ku taalla koonfur-galbeed dalka Yukrayn, halkaas oo ay dagaallo culus ka socdeen mudooyinkii u dambeeyay.

Ciidamada Ruushka ayaa horay u shaaciyay inay qarka u saran yihiin labo magaallo oo ka tirsan dalka Yukrayn, kuwaas oo ah isha ugu wayn ee lagasoo saaro macdanta Lithiyowmka ee qaaliga ah, taas oo ay Yukrayn u iib gayso wadamada caalamka.

Qasashada Magaalooyinkan ayaa timid kaddib markii warbaahinta reer galbeedku ay sheegeen in Ruushku uu dalka Yukrayn ku daabulay in kabadan 100 Kun oo ciidamo cusub ah, isbuucii ina dhaafay, kuwaas oo isku dayaya inay wax ka badalaan geedi-socodka dagaalka. Waxaana muuqata in uu Ruushku isku dayayo inuu ka faa’idaysto firaaqa ku yimi garab istaagii ay Yukrayn ka heli jirtay dawladaha reer Galbeedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.