Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa weerarr culus maanta la beegsaday kaalin shiidaal oo ku taalla gobolka Zaporisihiya ee dalka Yukrayn, kaas oo sababay in uu dab xooggan ka kaco xarunta la beegsaday, guddoomiyaha gobolkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in hawgalkan uu qayb ka yahay duqaymaha joogtada ah ee uu Ruushku ku hayo xarumaha tamarta ee Yukrayn.
Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay shalay Axadii in ciidamadeedu ay la wareegeen gacan ku haynta deegaan dhaca gobolka Donetsk ee dalka Yukrayn, halkaas oo ay ciidamada Ruushku kusii siqayeen bilihii u dambeeyay, qabsashada deegaankan ayaana dhabar jab wayn ku ah ciidamada Yukrayn.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo duqayn culus oo uu shalay Ruushku ku beegsaday magaalada Sumi ee ku taalla waqooyi bari dalka Yukrayn ay ku dhinteen in ka badan 34 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 100 kale oo Yukreeniyaan ah, kuwaas oo ay ku jiraan dumar iyo caruur ku sugnaa goobta ay duqayntu bartilmaameedsatay.
Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zelensky ayaa dhankiisa xaqiijiyay, in tobanaan qof oo rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqayn loo adeegsaday gantaalka ballistic-ga ah ee uu Ruushku ku weeraray magaalada Sumi.