Monday, July 14, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Ku Dhawaad 600 oo Diyaradood ku Weeraray Gobollo Ka Tirsan...

Ruushka oo Ku Dhawaad 600 oo Diyaradood ku Weeraray Gobollo Ka Tirsan Dalka Ukraine.

Dawladaha Ruushka ayaa weerar culus oo ay u adeegsatay ku dhawaad 600 oo dirado daroon ah iyo gantaallo Balaastig ah ku weerartay dalka Yukrayn, kuwaas oo gaytsay khasaare culus, xukumada Kiyeef oo ka warbixisay ayaa sheegtay, in weerkan uu beegsaday illaa Shan xarumood oo ku yaalla gobollo kala duwan oo ka tirsan dalkaas.

Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski oo ka hadlay weerarkan baaqna u dirsaday dawladaha reer galbeedka ayaa sheegay, in Ruushku uu weerar ba’an ku qaaday dalkiisa, isaga oo ku garaacay ku dhawaad 600 oo diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo 26 gantaal oo ah nooca riddada dheer.

Zalaniski waxa uu sheegay, in Ruushku uu adeegsaday 26 gantaal oo nooca Kuruus-ka ah iyo 597 diyaaradood oo daroon ah, kuwaas oo kala bar in ka badan ay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed oo ay Iiraan farsamayso. Dhanka kale, ciidamada cirka ee Yukrayn ayaa ku dhawaaqay inay soo rideen 319 diyaaradood iyo 25 kamid ah gantaaladii uu Ruushku kusoo weeraray, iyaga oo xusay in hal gantaal iyo ku dhawaad 20 diyaaradood ay ku dhaceen Shan goobood oo kala duwan.

Wargeyska The Indhibendhant ee ka soo baxa Kiyeef ayaa sheegay, in qaraxyo waawayn laga maqlay magaalada Lafiif oo ku dhow oo ku taalla xuduudka Romania, waxaana goobaha uu qaraxu ka dhacay lagasoo sheegayaa in uu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay weerarka.

Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa kaalmada uu siinayo Ciidamada Yukrayn ku xiray shuruud adag xili ay sii xoogaysanayaan hawgalada uu Ruushku ku beegsanayo dalkaas, wuxuuna Taraam ku dhawaaqay in dalkiisu uu NATO kula heshiiyay in hubka loo raro Yukrayn iyada oo loo marayo, isbaheysigaasna uu bixin doono qarashka ku baxaya. Waxa uu intaa ku daray hadal uu ka jeediyay telefishinka Khamiistii ina dhaaftay, in saanada milateri ee laga soo diri doono Mareykanka marka hore la geyn doono NATO, ka dibna xulafada ay hubkan gaarsiin doonaan Yukrayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.