Tuesday, April 15, 2025
HomeAll NewsRuushka oo la Wareegay Magaalo Cusub oo Kamid ah Dalka Ukraine.

Ruushka oo la Wareegay Magaalo Cusub oo Kamid ah Dalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayey maalintii shalay la wareegay magaalo katirsan gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine, waxaa kale oo usuuragashay iney kala furfuran askar katirsan kuwa Ukraine oo ku sugan gobolka Kursk.

Wasaaradda Difaaca ee dowladda Ruushka ayaa maalintii shalay bayaan ay so saartay ku tiri: ‘’ shalay galabti oo Talaado ahayd, waxaa ciidamada Ruushka usuuragasha iney xoreeyaan magaalada Kubanki ee katirsan gobolka Kharkiv’’.

Bayaanka kasoo b wasaaradda ayaa lagu xusay, in magaalada ay ciidanka Ruushku kula wareegeen dagaal.

Waxaa kale oo ay Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Ruushka war ay soo saartay lagu sheegay, in askarta Ruushka ee dagaalka kaga jira gobolka Kursk ee kamid ah wadanka Ruushka usuurgashay, iney kala furfuran ciidamo kamid ah kwua Ukraine oo ku sugan gobolkaasi, iyadoo intaasi lasi raaciyay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaallada halkaasi ka socda, inkastoo aan la cadeyn inta uu la egyahay, iyo sida ay wax ukala gaareen labada dhinac.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.