Dawladda Yukrayn ayaa Ruushka ku eedaysay in ay jabiyay xabbad joojintii ku meel gaarka ahayd ee Moscow ay ku dhawaaqday, taas oo ay ku xusayeen sannadguuradii 80-aad ee ka soo wareegtay guushii uu midowgii Soofiyeeti kaga adkaaday Naasigii Jarmalka, jabinta xabad-joojintan ayay mas’uuliyiinta Yukrayn ku tilmaameen mid khiyaano ah.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Yukrayn ninka lagu magacaabo Andiriye Saybiiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in weerarada Ruushku aysan joogsan tan iyo markii xabad joojinta ay dhaqan gashay saqdii dhexe ee maalinimadii Khamiista, isagoo xusay in ciidamada Yukrayn ay diiwaan galiyeen in kabadan 700 oo xadgudub wax ka yar 24 saacadood.
Saybiiga ayaa xaqiijiyay, in Ruushku uu xadgudubyadan u adeegsaday 16 bam oo la hagayay iyo 176 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, halka ciidamada Yukrayn ay ka jawaabeen dhammaan weeraradaasi oo ay ku wargeliyeen wadamada ay xulufadi yihiin, sida Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub.
Ciidamada Yukrayn ayaa sidoo kale shalay Jimcihii sheegay, in Ruushku uu qaaday hawgallo badan 24-kii saac ee la soo dhaafay, isaga oo fuliyay weerarro loo adeegsaday gantaallo casri ah, duqeymahan ayaa lagu burburiyay fariisimo ciidan oo ay lahaayeen askarta Yukrayn, kuwaas oo ku yaalla jiida hore ee dagaalka.
Weeraradan ay gaysanayaan ciidamada Ruushka ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Moscow ee caasimada Ruushka uu wali ka socdo xaflada xuska maalinta guusha, halkaas oo uu Ruushku ku qabtay dhoola-tus ciidan oo aad u ballaaran, kaas oo ay ka soo qayb galeen madax badan oo ka kala socotay dalalka xulafada la ah Ruushka.