Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Qirtay in Ciidamo ka Socda Kuuriyada Waqooyi ay ka Dagaalamayaan...

Ruushka oo Qirtay in Ciidamo ka Socda Kuuriyada Waqooyi ay ka Dagaalamayaan Dalkiisa.

Ruushka ayaa markii ugu horeysay qiratay inay dalkiisa ka dagaalamayaan  ciidamo ka socda Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo dhawaan si gaar ah uga qayb qaatay dagaalkii ka socday gobalka Kursk ee ku dhow xadka Yukrayn.

Taliyaha guud ee ciidamada Ruushka ayaa shir muuqaal ah oo uu Sabtidii la yeeshay Faladamiir Butin ku sheegay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay gacan weyn ka geysteen in gobalka Kuruska laga saaro askarta Yukrayn.

Waxa uu intaasi ku daray, in hawlgalka dagaalkaas uu ahaa mid lagu fuliyay si waafaqsan heshiiska iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay kala saxiixdeen labada dal, kaas oo uu kamid ahaa qodob dhigayay, in labada dal ay isu soo gurmadaan hadduu midkooda lasoo weerarro.

Taliyaha guud ee ciidamada Ruushka oo hadalkiisa sii wata ayaan yiri “Askarta iyo saraakiisha Ciidanka Kuuriya, ee ka barbar dagaalamayey askarta Ruushka si ay isaga caabiyaan duullaankii Yukrayn, waxay muujiyeen xirfad sare iyo geesinimo xagga dagaalka ah”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski uu si isdaba joog ah ugu eedeeyay Kuuriyada Waqooyi inaysan Ruushka ku caawinin hub oo kaliya balse ay sidoo kale ku caawiso ciidamo, inkastoo Ruushku uusan waligiis si rasmi ah u xaqiijin maanta ka hor.

Waxaa sidoo kale xusid mudan, in ciidamada Yukrayn ay soo galeen gobolka Kuruska horaantii bishii Ogosta ee sanadkii hore, iyagoo la wareegay gacan ku heynta magaalooyin badan. Balse Ruushka ayaa hadda ku dhawaaqay, in ciidamadiisa ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, halka Yukrayn aysan weli ka hadlin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.