Ciidamada Ruushka iyo kuwa Yukrayn ayaa is dhaafsaday weerarro culus oo la’isku adeegsaday diyaarado daroon ah, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac sida ay sheegeen warbaahinada dalalkaas.
Xalay Fiidkii magaalada Kiyeef ee caasimada Yukrayn ayaa lala beegsaday weerarro loo adeegsaday diyaarado daroonis ah oo aan duuliye lahayn, taas oo keentay in la maqlo qaraxyo waaweyn, sidoo kalana ay burburaan dhismayaal badan oo la daganaa. Dadka deegaanka ayaa si weyn loogu baaqay inay ku nagaadaan meelaha gabaadka ah ee laga gallo duqaymaha.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka oo soo saartay war rasmi ah oo ku aadan weeraradaas ayaa sheegtay, inay ciidamada Ruushku bartilmaameedsadeen goobo muhiim ah oo ka tirsan warshadaha militariga ee Kiyeef iyo sidoo kale xarumaha laga hago nidaam difaaceedyada cirka ee Yukrayn, kuwaas oo ku qalabaysnaa Nidaam difaaceedka loo yaqaano Batriyoodka oo ay Mareykanku siiyeen ciidamada Yukarayn.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, inay ciidamada Ruushku ku gulaysteen inay burburiyaan illaa 95 diyaarado oo daroon ah oo lagasoo tuuray dhanka Yukrayn, kuwaas oo loogu talagalay in lagu weerarro bartilmaameedyo xasaasi ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka.
Dhanka kale, ciidamada cirka ee Yukrayn ayaa sheegtay, inay dhulka soo dhigeen ku dhawaad 250 diyaaradood oo Daroon ah oo uu Ruushku kusoo weeraray Kiyeef, waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay ka hortageen 6 gantaal oo la rabay in lagu beegsado xarumo muhiim u ah ciidamada Yukrayn.
Hawgaladan uu Ruushku ka fulinayo Kiyeef ayaa daba socda weerarro baaxad leh oo ay dhawaan ciidamada Yukrayn ku qaadeen magaalooyin waawayn oo ka tirsan dalka Ruushka, iyada oo tirada guud ee weerarada Darooniska ah ee labada dhinac ay maalmahan gaartay illaa 800 oo weerar, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday magaalooyin muhiim ah oo ay kamid tahay Moskow.