Millatariga Ruushka ayaa ku dhawaaqay, inay la wareegeen deegaanno iyo magaalooyin horleh oo ka tirsan waddanka Yukrayn, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay Mosko sii kordhisay duullaankeeda ka dhanka ah Kiyeef.
Milatariga Ruushka ayaana warbaahinta u sheegay, inay gacanta ku dhigeen tuulo ku taalla gobolka Suumi ee dhaca waqooyi-bari ee waddanka Yukrayn iyo laba magaalo oo cusub oo ku yaalla gobalka Duneeska.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaana bayaan ay soo saartay ku xaqiisisay, in ciidamadoodu ay la wareegeen tuulo lagu magacaabo yaabuluunifkaa oo qiyaastii 9 kiilo mitir u jirta xudduudda uu Ruushku la wadaago Yukrayn iyo labo magaalo oo lagu kala magacaabo Kuumaar iyo Kuubtiifoo oo ka tirsan gobalka Duneeska, kadib howlgalo millatari oo ay ciidamadoodu ka sameeyeen halkaasi.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay, in ciidamadoodu ay la wareegeen laba tuulo oo kale, kuwaas oo ka tirsan isla gobolka Duneeska.
Illaa iyo hadda maanan helin wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka Yukrayn kuna saabsan sheegashooyinka Ruushka, balse warbaahinno caalami ah ayaa ku waramay, in Yukrayn ay dadka shacabka ah ku amartay inay ka qaxaan tobanaan tuulo oo ku yaalla gobalka Suumi, sababo la xiriira ciidamada Ruushka oo aad ugu soo dhawaaday.