Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqday, in ciidamada difaaca cirka ee dalkaasi ay weerar culus kala hortageen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga lahaa dalka Yukrayn. Sida ay sheegtay wasaaraddu, waxay ciidamada Ruushku soo rideen 127 diyaaradood oo nooca darooniska ah, kuwaas oo xilli habeen ah dul heehaabayay hawada sare ee gobollo kala duwan oo ka tirsan gudaha Ruushka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Yukarayn ku doonayso inay ku beegsato xarumaha istiraatiijiga ah, gaar ahaan kuwa ciidamada iyo illaha dhaqaalaha ee Ruushka.
Inta badan diyaaradaha la burburiyay ayaa lagu soo riday gobollada Baryaanisk, Oryuul iyo Kurusk oo dhammaantood ku wada yaalla galbeedka Ruushka, gaar ahaan xadka dalkaasi uu la wadaago Yukrayn. Waxaa intaa dheer in lix diyaaradood lagu burburiyay hawada gobolka Moskow, halka shan kale lagu burburiyay gobolka Faladamiir. Sidoo kale gobolka Rayazaan waxaa kusoo dhacay saddex diyaaradood, halka min hal diyaarad ay ku soo dhacdeen gobollada Bilqarood, Tuulaa, Kaaluqaa, iyo gobolka istiraatiijiga ah ee ku teedsan Badda Madow.
Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa intaa ku dartay in weerarkan uu ahaa mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dhuleed ee dalkaas, waxayna sheegeen in dhammaan diyaaradahaasi lagu burburiyay meel ka baxsan goobihii bartilmaameedka u ahaa, iyaga oo aan gaysan wax khasare ah.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta dalka Yukrayn ayaan weli ka hadlin khasaaraha soo gaaray ciidamadooda, hase yeeshee dhacdadani ayaa markale kor u qaadday xiisadda sii xoogeysaneysa ee labada dal, iyadoo Ruushku uu xoojiyay difaacyadiisa cirka gaar ahaan meelaha u dhow xadka Yukrayn.
Weerarada ay is waydaarsanayaan dawladaha Ruushka iyo Yukrayn ayaa imaanaya iyada oo madaxwaynaha Maraykanku uu sheegay, inuu khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ruushka, si loosoo gabagabeeyo dagaalka kaddib markii ay fashilmeen kulamo Ruushka iyo Yukrayn ku dhex maray dalka Turkiga bartamaha bishan Meey.