Magaalada Moqokori ee ku taalla bariga gobolka Hiiraan ayaa saaka si buuxda gacanta ugu gashay ciidanka mujaahidiinta ee Xarakada Al-Shabaab, kaddib dagaal culus oo ay kaga saareen ciidamada dowladda Federaalka ee halkaas ku sugnaa. Qabsashadan ayaa timid iyadoo muddooyinkii dambe magaalada ay ahayd saldhig istaraatiiji ah oo ay dowladdu u adeegsanaysay duullaanka ay ka waddo dhulka shareecada lagu maamulo ee gobolka Hiiraan.
Moqokori waxay ahayd mid ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn ee dowladda Federaalku ay qabsatay Saddex sano ka hor, xilligaas oo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay duullaan ballaaran oo uu ku qaadayo dhulka lagu maamulo shareecada Islaamka ee gobalka Hiiraan. Dowladda ayaana markaas Moqokori u aragtay bartilmaameed istaraatiiji ah oo ay ka abaabuli karto weeraro ku wajahan deegaannada ku hareeraysan sida Ceel Cali iyo Cali Fooldheere Sidoo kale, waxay ahayd meel istaraatiiji ah oo xiriirinaysay magaalooyinka Buulo Burte iyo Aadan Yabaal oo haatan gacanta ugu jirta ciidamada mujaaahidiinta Al-Shabaab.