Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsSaciid Dani iyo Axmed Madoobe oo Qorsheynaya Dhisidda Isbaheysi ka Dhan ah...

Saciid Dani iyo Axmed Madoobe oo Qorsheynaya Dhisidda Isbaheysi ka Dhan ah Xasan Sheekh.

Hogaamiyayaasha maamullada la baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa iney dhisayaan isbaheysi ka dhan ah Xasan Sheekh.

Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay sii kordhayeen khilaafaadka u dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo qaar kamid ah maamul gobaleedyada, ayaa waxaa lasoo warinayaa in maamullada la baxay Puntland iyo Jubbaland ay sameysanayaan isbaheysi ka dhan ah Xasan Sheekh.

Hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu ka dego magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, waxaana xoguhu ay tibaaxayaan in halkaas ay isaga iyo Saciid Dani ka sameysanayaan taxaaluf ka dhan ah Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Dani iyo Axmed

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.