Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa Dowladda Fedaraalka ujeediyay eedeymo dhowr ah isagoo uhanjabay maamulka la baxay SSC-Khaatumo .
Siciid Cabdullaahu Deni oo ah Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland islamarkaana khilaafyo kala dhaxeeyaan Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay SSC-Khaatumo, ayaa hanjabaad iyo eedeymo dhowr ah ukala jeediyay dhinacyadaasi.
Deni ayaa sheegay in Dowladda Fedaraalku ay ka shaqeyneyso dibin daabyada maamulkiisa, kacdoon iyo dagaalna ka waddo gobolka Sanaag.