War saxaafadeed digniin amni xambaarsan ayaa dhawaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalad Adis Ababa oo ah caasimadda Wadanka Itoobiya.
Warka kasoo baxay saafaradda Mareykanka ayaa looga digay muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ku sugan wadankaasi, iney ka fogaadaan goobaha ay halisyada kala kulmikaraan, iyadoo dhanka kale loo tilmaamay in amniga dalka Itoobiya aan la isku halleyn karin.
Waxaa si gaar ah looga digay iney tagaan meelaha ay dadku inta badan ku kulmaan, iyadoo loo sheegay khatarta ay la kulmi karaan iyaga iyo qoysaskooda.